Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tottenham oo guuldraddo qadhaadh bidday Manchester Utd


Harry Kane oo madaxa ku dhifanaya kubad
Harry Kane oo madaxa ku dhifanaya kubad

Kooxda Manchester United ayaa xalay guuldarro qaraar kala kulantay ciyaar ka tirsaneyd horyaalka Premier League oo ay la dheeshay kooxda Tottenham Hotspur, kadib marki United looga badiyay 3-0.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka kooxda Manchester United ee Old Trafford ayaa dhalinyarada macallin Jose Mourinho ay mar kale soo bandhigeen ciyaar aysan ku qancin taageerayaasha gaar ahaan dhinaca difaaca oo ay ka liiteen.

Goolasha ay Tottenham ku badisay laba ka mid ah waxaa dhaliyay Lucas Moura, halka goolka kalana uu saxiixay Harry Kane.

Dhamaan saddexdaasi gool ayaa yimid qeybti danbe ee ciyaarta. Waa guuldarradi labaad oo xiriir ah oo Manchester kasoo gaartay horyaalka Ingiriiska saddexdi kulan ee ugu horeysay xilli ciyaareedkan.

Guuldarradaan ayaa cadaadiska kusii kordhineysa macalin Mourinyo oo wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo in maamulka Man Utd uu shaqada ka eryo.

Qaar ka mid ah warbaahinta Ingiriiska ayaa maalmahan qorayay in tababarihi hore ee Real Madrid Zinadine Zidane lagy baddali doono tababare Mourinho.

XS
SM
MD
LG