Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax khasaaro Geystay oo ka Dhacay Afghanstan


Afghanistan
Afghanistan

Ugu yaraan laba qof ayaa dhimatay 4 kalana dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu qof naftii hure ah aroornimadi hore ee maanta isku qarxiyay magaalada Jalalabad ee waqooyi-bari dalka Afghanstan.

Qarraxa ayaa ka dhacay agagaarka xafiiska guddiga doorashada gobolka Jalalabad, xilligaas oo bannaanka xafiiska ay dhoobnaayeen dad badan oo ka mudaaharaadayay go,aan ay guddigani doorashooyinka soo socda uga reebeen, mid ka mid ah musharraxiinta oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay kooxaha argagixisada.

Agaasimaha waaxda caafimaadka Najib Kamawal iyo afhayeenka gudoomiyaha gobolka Nangahar Attahullah Khogyani, ayaa labaduba xaqiijiyay dhimashada labada qof ee lagu dilay qarraxa.

Ma jirto cid ilaa iyo hadda sheegatay mas’uuliyadda qarraxaasi, hase yeeshee maleeshiyaadka xiriirka ka leh kooxda Dacish ayaa inta badan qarraxyo ka geysta gobolka Waqooyibari ee dalka Afghanstan.

Dalka Afghanstan ayaa waxaa bisha October ee soo socta ka dhici doona doorashooyinka baarlamaaniga iyo kuwa dowladaha hoose.

XS
SM
MD
LG