Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Henry oo raba inuu tababaro Bordeaux


Thierry Henry oo u laab qaboojinaya qaar ka mid ah ciyaartooyda xulka Belgium
Thierry Henry oo u laab qaboojinaya qaar ka mid ah ciyaartooyda xulka Belgium

Tababaraha reer France ee waaya araga ah Arsene Wenger ayaa sheegay in Thierry Henry oo ka mid ah laacibiintii uu soo tababaray uu hadda diyaar u yahay inuu noqdo macallinka kooxda Bordeaux.

Kooxda Bordeaux oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee horyaalka Ligue 1-ka France ayaaeriday tababarahoodii ninka la yiraahdo Gus Poyet todobaadki hore, kadib marki uu hadallo aysan kooxda jecleysan ka yiri iibinti ay kooxda iibisay weeraryahan Gaetan Laborde oo ku biiray kooxda to Montpellier.

“Haa. Isaga (Henry) wuxuu rabaa inuu xilkaas qabto, waa nin aqli badan wuxuuna leeyahay tayadi uu ku noqon lahaa tababare wanaagsan,” ayuu yiri Wenger oo dalxiis ku joogo Corsica.

Wenger ayaa bishii May soo gaba gabeeyay 22 sano oo uu macallin u ahaa kooxda Arsenal, halka Henry oo isna usoo ciyaaray Arsenal uu kaaliye tababare u soo noqday xulka Belgium ciyaarihi aduunka ee sannadkaan.


XS
SM
MD
LG