Waxaa maanta si weyn looga ciiday dalka Soomaaliya iyo magaalooyinka kale ee ay Soomaalidu dagto ee ku yaalla gobolka.
Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayay dadku maanta ku ciideen si nabad ah. Warbixintaan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqadir Maxamed Cabdulle.
Magaalada Harigeysa ee Somaliland ayaa iyaduna si qurux badan loo ciiday, sida ay warbixintan ku faahfaahineyso Sagal Mustafa Xassan.
Magaalada Baydhabo ayaa dadku si wacan ayay ugu dabaal dageen maanta munaasabadda Ciidul Adxaa. Warkaan waxaa noo soo diray wariyaheenna Mukhtar Maxamed Catosh.
Magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan ciidamada Jabuti ee ka mid ah kuwa nabad ilaalinta Midowga Africa ee jooga Soomaaliya ayaa dadka si farxad leh kula ciiday gobolka Hiiraan. Warkaan waxaa Baladweyne kasoo diray Xuseen Xasan Dhaqane.
Dalka Soomaaliya deriska la ah ee Jabuti ayaa ka mid ahaa dalalka Geeska Africa ee sida weyn maanta looga ciiday. Warkaan waxaa noo soo diray wariyahayaga Jabuti Ramadan Mussa.
Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ka mid ahaa meelaha maanta ciidda Carafo looga dabbaaldegay, waxaanana hoggaamiyayaasha Muslmiinta Kenya ay diideen go’an ka soo baxay qaadiga guud ee dalkaasi oo isagu sheegay in maalinta Arbacada ah ay tahay maalinta Ciidda.
Dowladda Kenya ayaa iyadu ciidda darteed maanta u aqoonsatay inay tahay maalin fasax u ah guud ahaa dadka Kenya
Warbixinta waxaa Garissa ka soo diray Maxamed Faarax Shire.
Magaalada Nairobi-na waxay ka mid ahayd magaallooyinka maanta musliimiintu ay sida weyn ugu ciiddeen, sida uu warbicintan ku eegayo weriyaheena Yassin Ciise Wardheere.