Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man City oo guuleysatay iyo Man Utd oo laga badiyay


 Sergio Aguero
Sergio Aguero

Kooxda Manchester United ayaa soo xareysay guul weyn kadib marki ay 6-1 ku xaaqday kooxda Huddersfield Town.

Saddex kamid ah goolasha waxaa ku fara yareystay Sergio Aguero oo galabta saxiixay saddexleydiisii 13-aad oo micnaheedu tahay inuu 13 jeer dhaliyay min saddex gool.

Ciyaarti galabta oo ay City ku ciyaareysay iyadoo uusan u dheeleyn laacibkooda khadka dhexe Kevin De Bruyne oo dhaawacan, ayuu gooldhaliyaha reer Argentine Aguero ku keenay saddexda goolasha daqiiqadihihii 25, 35 iyo 75-aad.

Goolasha kale waxaa kala qeybsaday Gabriel Jesus, David Silva iyo gool uu kooxdiisa ka dhaliyay Terence Kongolo.

Haddii kooxda Manchester City ay guushaasi ku heshay garoonkeeda Etihad, waxaa guuldarro xannuun badan magaalada Manchester kula soo laabtay kooxda Manchester United oo 3-2 ku khasaartay naadiga Brighton & Hove Albion.

Ciyaarta oo ka dhacday garoonka American Express Community Stadium ayay kooxda ee magaalada Brighon ayay kooxda Brighton & Hove Albion ku badisay 3-2.

Goolasha waxaa Brighton u kala dhaliyay Glenn Murray, Shane Duffy iyo Pascal Gross halka Man Utd ay goolasha u keeneen Romelu Lukaku iyo Paul Pogba.

Ciyaar kale oo dhexmartay Burnley iyo Watford waxay 3-1 ay guushu ku raacday Watford.

XS
SM
MD
LG