Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gudashada Xajka oo Maanta Bilaabatay


Malaayiin muslimiin xujaay ah ayaa Maanta oo Axad ah billaabay maalmaha waajibka ah ee gudashada xajka oo ah rukniga shanaad ee tiirarka Islaamka.

Ku dhawaad laba milyan oo ruux ayaa sannadkaan ka qeybgalaya gudasha waajibaadka xajka kuwaas oo ku sugan Xaramka Barakeysan ee magaalada Maka ee dalka Sacuudiga.

Maalinta berrito ah oo Isniin ah ayaa ah maalinta weyn ee loogu yeero Youmul Carrafa oo ay malaayiin Muslimiin ahi ku cibaadeysan doonaan Banka Carrafa.

Soomaali badan ayaa ka qeybgaleysa sannadkaan waajibaadka gudashada xajka kuwaas oo ka baxay dalka iyo dibbadiisa.

Hase yeeshee waxaanan sannadki labaad aanan xajka ka qeybgaleyn muwaadiniinta u dhashay dalka Qarar, kadib marki ay Dowlada Qatar sheegtay in Sacuudigu uusan diiwaan gelin ilaa 1,200 oo muwaadiniin reer Qatar ah oo aadi lahaa Xajka Sannadkaan.

Sacuudiga iyo iyo dhowr dal oo Carab ah ayaa bishii June ee sannadkii 2017-kii xiriirka u jaraxay dowlada Qatar .

Jamaal Axmed Cismaan ayaa Axmed Aaadan Dagaal (Axmed Safiina) oo ka mid ah mas’uuliyiinta qaban qaabada xujaajta qadka telefoonka ee Maka ku wareystay.

Axmed Safinah
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:55 0:00

XS
SM
MD
LG