Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bamki lagu laayay carruurti reer Yemen oo Mareykanka lagu sameeyay


Dhaqtarad daweyneysa qaar ka mid ah carruurti ku dhaawacantay weerarki Sacda ee Yemen.
Dhaqtarad daweyneysa qaar ka mid ah carruurti ku dhaawacantay weerarki Sacda ee Yemen.

Warbixin ay Khubarada dhinaca hubku soo saareen ayaa lagu sheegay in bambaanadii uu Isbaheysiga Sacuudigu ku duqeeyay bas carruur siday -oo gudaha dalka Yemen ay aheyd mid- uu Mareykanku farsameeyay.

Duqeyntaasi ayaa waxaa lagu dilay 51 qof oo 40 kamid ahi ay carruur ahaayeen. Weerarkaasi foosha xun ayaa waxaa ka argagaxay aduunka oo idil.

Shabakadda CNN ayaa Jimcihii sheegtay in Khubaradu ay sawirro laga qaaday firirka Bambaanada wax yar uun kadib weerarka ku ogaadeen cidda iyo halka lagu farsameysay.

Sida CNN ay warisay tirada firirka ayaa tilmaameysa in walaxdani ay aheyd Bambaano uu nooceedu ahaa MK 82, culeyskeeduna uu gaarayay 227 Kg, oo ay farsameysay sharikadda Lockheed Martin oo ah tan ugu weyn ee hubka Mareykanka sameysa.

Weerarkan oo lagu laayay arday iskuul dhigata ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay dad gaaraya 77 qof oo 56 kamid ahi ay carruur yihiin.

Afhayeen u hadlay Isbaheysiga uu Sacuudigu hogaamiyo ayaa xilli sii horreysay sheegay in weerarku uu bartilmaameedsaday dagaalyahanno katirsan fallaagada Xuutiyiinta, waxaanu qiil kaga dhigay inuu ahaa mid la jaanqaadaya xeerarka caalamiga ah iyo kuwa aadanahaba.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sanadkii 2016-kii Sacuudiga xannibaad ka saaray soo iibsashada hubka sida huban loo hago, kadib markii Riyad ay weerar sidan oo kale lagu hoobtay uu u adeegsatay.

Hase yeeshee Maamulka madaxweyne Trump ayaa Sacuudiga ka qaaday xayiraaddaasi.

XS
SM
MD
LG