Shalay iyo xalay waxaa dalka Jabuuti wada hadallo ku yeeshay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, Maxamed Cabdullahi Farmajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle, ka hor inta uusan Madaxweynaha Soomaaliya maanta u sii safrin dalka Turkiga, oo xafiiskiisu uu sheegay inuu casuumaad ka helay Madaxweynaha Turkiga, Recep Dayid Erdogan.
Wadahadallada labada dhinac ayaa ujeedkiisu uu ahaa in lagu xalliyo mad-madow soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Jabuuti, ka dib markii uu madaxweynaha Soomaaliya oo ku suggan Asmara ka codsaday Qaramada Midoobay in cuna-qabateynta hubka laga qaado Eretria. Dalkaas oo ay Jabuuti colaadi kala dhaxeyso. Wararka qaar ayaa sheegaya in Soomaaliya iyo Jabuuti ay is af-garad ka gaareen xiisaddii dhexdooda aheyd.
Wariyaha VOA Ramadan Muuse ayaa aragtidooda arrintan ku aadan weydiiyay qaar ka mid ah dadka reer Jabuuti. Warbixintan ayuuna halkaasi ka soo diray.