Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milan oo keentay Castillejo iyo Laxalt


Samuel Castillejo
Samuel Castillejo

Kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasoo wareegtay ciyaaryahanka weerarka uga ciyaara kooxda Villareal Samuel Castillejo iyo laacibka daafaca bidix uga ciyaara kooxda Genoa Diego Laxalt.

Bayaan Jimcihi maanta kasoo baxay kooxda Milan ayaa lagu sheegay in kooxaha ay kala soo wareegtay labada ciyaartooy ay u kala dirtay laba laacib oo Milan u dheela. Villareal oo ay kala soo wareegtay Castillejo waxay ku beddelatay weeraryahan Carlos Bacca, halka Genoa oo ay ka keentay Laxalt ay ku wareejisay weeraryahan Gianluca Lapadula.

Castillejo, oo ah 23 jir u dhashay dalka Spain ayaa Villareal uu hadda kasoo wareegay ku biiray sannadki 2015 markaas oo uu kaga yimid kooxda Malaga. Halka Laxalt uu kasoo jeeda dalka Uruguay uu horay ugu soo ciyaaray kooxda Inter Milan, Empoli iyo Bologna iyo Genoa oo uu hadda ka yimid.

Milan kulankeeda ugu horreeya ee horyaalka Talyaaniga xilli ciyaareedkan Axadda ayaa lagu waday in ay la dheesho Genoa hase yeeshee kulankaasi wuxuu u baaqday masiibadi ka dhacday buundadi duntay ee magaalada Genoa.

XS
SM
MD
LG