Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Milan oo lasoo wareegtay Bakayoko


Bakayoko oo dhinac taagan tababarihi hore ee Chelsea, Conte.
Bakayoko oo dhinac taagan tababarihi hore ee Chelsea, Conte.

Kooxda AC Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasoo wareegtay laacibka khadka dhexe ee kooxda Chelsea Tiemoue Bakayoko, kadib marki uu maanta maray tijaabada caafimaadka.

Milan ayaa ciyaaryahankan 23 jirka ah ku heshay heshiis amaah ah iyada oo Chelsea siisay shan milyan oo euro. Sannadka danbe ayay dhiibi doontaa 35 milyan oo yuro oo kale si Bakayoko uu u noqdo laacib ay iyadu leedahay, sida ay ku heshiiyeen labada koox.

Bakayoko oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Ivory Coast balse heysta jinsiyadda Faransiiska, ayaa kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska kaga soo biiray kooxda Monaco sannadki hore.

Wuxuu ku guuldareystay inuu boos rasmi ah ka helo kooxda Chelsea taasoo keentay in ay hadda iska fasaxdo. 29 jeer oo uu saftay wuxuu u dhaliyay 2 gool.

XS
SM
MD
LG