11-kii August 2007 oo haatan laga joogo 11 sano, waxay ku beegan tahay markii magaalada Muqdisho lagu dilay wariyihii ugu horeeyey ee dilkiisa lala xiriiriyo ururka Al-Shabab, kaasoo ahaa Mahad Axmed Cilmi.
Mahad waxa uu ka tirsanaa howlwadeenada idaacaddii Horn-Afrik, iyadoo daqiiqado kadib aaskiisina, qarax uu ku geeriyooday Cali Iimaan Sharmaarke oo ka mid ahaa milkiilayaasha Horn-Afrik.
Haddaba warbixin ku aadan wixii xiligaasi ka danbeeyey tirada wariyayaasha Muqdisho lagu dilay waxaa inoo soo diray Xasan kaafi Qoyste.