Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Talibaan iyo Ciidanka Afghanistan oo Dagaallamaya Maalinkii 4-aad


Ghazni

Iska horimaad u dhexeeya ciidamada amaanka Afghanistan iyo kooxda Taliban ayaa maalintii afaraad ka socda magaalada Ghanzi oo ku taala koonfur bari dalka Afghanistan.

Saraakiisha ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la geeyey goobta si ay gacan uga gaystaan in dib loo riixo kooxda oo si weyn u gudo gashay magaalada.

Axaddii ayaa dagaal ciidamada amaanka iyo Taliban uu ku dhex maray magaaladaasi, iyadoo aanay kala cadayn cida goobaha muhiimka ah gacanta ku haysta.

Taliyaha ciidamada Afghanistan Jeneral Mohammad Sharif Yaftali ayaa war saxaafadeed uu Axaddii Kabul ka soo saaray ku sheegay in ciidamadiisu ay wadaan hawgal ay kooxda Taliban kaga sifaynayaan magaalada.

Sidoo kale, macadda khasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac soo kala gaaray.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG