Xisbiga haya Gobolka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta kulan uu ku yeeshay magaalada Addis Ababa ku doortay Guddoomiye cusub. Kulanka xisbiga ayaa ka dacay magaalada Addis Ababa, waxaana xubnuhu doorteen Axmed Shide oo ah Wasiirka Isgaarsiinta ee dalka Itoobiya oo hoggaamin doona Xisbiga Dimoqraadiga ee Shacabka Soomaalida Itoobiya ESPDP.
Saraakiisha ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa idaacadda VOA u sheegtay in muddada guddoomiyaha cusub uu talada haynayp ay tahay ilaa laga qabanayo shirweynaha xisbiga oo dhici doona dhowaan.
Haaruun Macruuf ayaa arrintaas ka wareystay Khadar Cabdi Ismaaciil oo ah Xoghayaha Xisbiga haya talada Ismaamulka.
Facebook Forum