Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhimashada qaraxii shalay Muqdisho oo korodhay


Tirada dadka ku dhintay qaraxii shalay ka dhacay magaalada Muqdishu ayaa gaartay afar qof iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan toban qof oo kale.

Waxaa macluumaad dheeraad ah kasoo baxayaan qaar ka mid ah dadka ku dhintay qaraxaasi. Mid ka mid ah dadka ku dhintay qaraxaasi ayaa ahaa Cabdisalaan Maxamed Yuusuf Bille oo wax ka baranayey kulliyadda horumarinta bulshada oo horeyna uga baxay jaamacadda Boosaaso.

Safar ku saabsan isku xirka ardayda jaamacadaha ayaa la sheegay inuu u joogay magaalada Muqdisho. Axmed Xuseen Cabdulqaadir oo Cabdisalaam ay Jaamacadda Boosaaso, faraceeda Garowe wada dhiganayeen, sidoo kalena ah wariye ka tirsan Radio Daljir, ayuu uga waramay Maxamed Cabdi Sandheere geerida ku timid saaxiibkii.

Warkii ugu dambeyay ee qaraxii Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:31 0:00

XS
SM
MD
LG