Isku xirrada

War Deg-Deg ah

91 qof oo ku dhimatay dhul-gariir ku dhuftay Indonesia


Waxaa billowaday dadaallo jasiiradaha loo tamashlo tago ee dalka Indonisia looga dad-gureynaayo inka badan kun dalxiisayaal ajanabi ah, maalin uun kadib markii uu dhul gariir xoog leh ka dhacay waqooyiga dalkaasi.

Dhul-gariiskaasi o ka dhacay waqooyiga Lombok, ayaa wuxuu ku dhintay dad ka badan 91, in ka badan 200 oo kalena si xun u dhaawacay.

Dhul gariiskaasi oo xoog badnaa ayaa waxaa laga dareemay oo kale Jasiiradaha Gili, Bali, Sumbawa iyo qaybo ka tirsan bariga Java.

XS
SM
MD
LG