Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerar lagu qaaday xabsi ay maamulaan Taliban


Ciidamada kumaandooska dalka Afghanistan ayaa weerar ku qaaday xabsi ay maamulaan Taliban oo ku yaalla gobolka Koonfureed ee Helmand, waxayna sii daayeen 61 maxbuus.

Taliyaha ciidamada kumaandooska ee gobolka ayaa xaqiijiyey howlgalkan, wuxuuna sheegay in dadka laga soo badbaadiyey degmada Kajaki ay u badan yihiin.

Jeneral Wali Mohammad Ahmadzai ayaa VOA u sheegay in ragga lasii daayey ay bilooyin badan ku jireen gacanta Taliban.

Ahmadzai ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay laguna dhaawacay dhowr ka mid ah dagaalyahanada Taliban ee ilaalinayey xabsiga, halkaasi oo sidoo kale dhowr ayaga ka mid ah laga soo xiray.

Afhayeen u hadlay ciidamada gaarka ah ee Afghanistan ayaa sheegay in afar askari iyo 15 boolis ah ay ka mid yihiin dadka laga soo daayey xabsiga Taliban.

Afhayeen u hadlay Taliban, Qari Yousaf Ahmadi ayaa xaqiijiyey weerarka lagu qaaday xabsiga, oo uu sheegay inuu ahaa xabsi rayid oo lagu hayey dadka isticmaala daroogada, iyo kuwa ku lugta leh dambiyada ay ka mid yihiin dhaca, afduubka iyo dhibaateynta shacabka.

XS
SM
MD
LG