Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jesus iyo Perdo oo qandaas cusub saxiixay


Gabriel Jesus
Gabriel Jesus

Weeraryahanka kooxda Manchester City Gabriel Jesus ayaa saxiixay heshiis cusub oo uu kooxda kula sii joogi doono ilaa sannadka 2023.

Jesus oo ah 21 jir ayaa kooxda City ku biiray sannadki 2017-ki markaas oo uu kaga soo biiray kooxda Palmeiras ee dalka Brazil. Wuxuu ka mid ahaa weeraryahannadi Brazil u matalay koobki aduunka ee sannadkaan.

Tan iyo sannadki hore wuxuu City u dhaliyay 177 gool, isaga oo kula guuleystay horyaalka Ingiriiska ee Premier League.

*Sidaasi si lamid ah waxaa isna qandaraaska loo cusbooneysiiyay weeraryahanka kooxda Chelsea Pedro oo saxiixay heshiis kordhin hal sano ah.

31 jirkaan u dhashay dalka Spain ayaa ka tirsanaa Chelsea tan iyo sannadki 2015-ki markaas oo uu kaga soo biiray kooxda Barcelona.

Wuxuu hadda Chelsea lasii joogi doonaa ilaa 2020-ka.

XS
SM
MD
LG