Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bale ma buuxin karaa booski Ronaldo?


Bale

Tababaraha cusub ee Real Madrid Julen Lopetegui, ayaa sheegay in ciyaaryahan Gareth Bale uu leeyahay tayo uu ku buuxin karo booski uu banneeyay xiddigii hore ee Real, Cristiano Ronaldo kaas oo dhawaan ku biiray kooxda Juventus.

Bale ayaa la halgamayay labadi xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay siduu uu boos rasmi ah uga heli lahaa kooxda Real kadib marki uu inta badan kursiga keydka geliyay macallinki hore Zinedine Zidane.

Tababare Lapatehi oo wariyaasha maanta kula hadlay magaalada Miami oo ay kooxdiisa caawa kula ciyaari doono kooxda Manchester United ayuu sheegay in mustaqbalka Bele uu yaallo magaalada Madrid.

Real Madrid ayaa xilli ciyaareedkeeda cusub ee sannadkaan ka billaabi doonto kulanka finalka UEFA Super Cup oo ay 15-ka August la ciyaari doonto kooxda ay mataanaha yihiin ee Atletico Madrid. Super Cup-ka Yurub ayaa waxaa ciyaara kooxaha kusoo kala guuleysta tartamada ugu waaweyn Yurub ee Uefa Champions League iyo Europa League.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG