Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kaalinta Soomaalida Kanada ee Dalkaas oo Kor u Kacdey


Axmed Knowmadic iyo Don Iveson, Duqa Edmonton, Kanada.
Axmed Knowmadic iyo Don Iveson, Duqa Edmonton, Kanada.

Soomaalida Kanada ayaa ku soo badaneysa kaalimaha ay ka galayaan hogaaminta arrimaha dalkaasi. Iyada oo Wasiirka Socdaalka iyo Arrimaha Qoxootiga uu yahay Soomaalid, ayaa xildhibaan gobol, gudoomiyaha ururka jaamacadaha Kanada iyo xubin ka mid gudiga arrimaha dhalinyarada ee Raysul Wasaaraha Justin Trudeau ay intuba Soomaali yihiin, ayaa Axmed Mahmuud Cali oo loo yaqaan Axmed Knowmadic, loo magacaabey xubin ka tirsan gudiga u kuurgala laamaha sharci-fulinta gobolka Alberta oo ah gobolka labaad ee Soomaalida ugu badan Kanada ay ku nool yihiin.

Gudigan oo hoostago Wasaradda Cadaalada ee Alberta, ayaa eega dacwadaha ka dhanka ah hay-addaha sharci-fulinta oo ay ciidamada amniga iyo maxakamadaha gobolkuba ka mid yihiin. Jaamac Buulle Jaamac ayaa warbixintan ku eegaya.

SOOMAALIDA KANADA
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:07:06 0:00

XS
SM
MD
LG