Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dilal kala duwan oo ka dhacay Muqdisho


Jidadka Muqdisho

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dilal kala duwan ay ka dhaceen magaalada maanta iyo caawa fiidkii.

Mid ka mid ah xildhibaannadii baarlamaankii 9-aad oo lagu magacaabo Cali Maxamed Cabdi ayaa dablay hubaysan ay ku dileen gurigiisa kadib markii ay weerar ku qaadeen.

Xildhibaanka hore ee la dilay ayaa ahaa sayiga xildhibaan Xiis Xasan oo iyadu ka tirsan baaarlamaanka 10-aad ee xilligan jira. Geerida xildhibaanka waxaa VOA Somali u sheegay xildhibaan Cali Jawhar oo ay is yaqaanaan.

Dhinaca kale, waxaa Muqdisho lagu dilay nin cameraman ah oo u shaqaynayey mid ka mid ah telefiishannada cusub ee magaalada.

Waxa kale oo magaalada ka dhacay dilal kale oo loo gaystay askar ka tirsan minishiibayada iyo booliiska.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG