Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haween lagu kufsaday Beled Xaawo


Gedo

Mas’uuliyiinta magaalada Beled Xaawo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in haween dhowr ah lagu kufsaday degaan hoos yimaada magaalada Beled Xaawo oo lagu magacaabo Bakoolow.

Mas’uuliyiinta ayaa faahfaahin ka bixiyey cidda ay tuhunsan yihiin in falkaasi ka dambeeyeen. Falkan ayaa dhacay maalintii shalay sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Beled Xaawo.

Milatariga Kenya oo ay VOA la xiriirtay si aan wax uga weydiino arrintan ilaa haatan nooma aysan suurtogelin inaan ku helno khadka telefoonka.

Jaamac Buulle Jaamac ayaa dhacdadan ka waraystay Guddoomiyaha Beled Xaawo Maxamuud Xayd Cusmaan oo sheegay inuu arrintan kala hadlay mas’uuliyiinta dawladda Kenya ee ku sugan xuduudda.

please wait

No media source currently available

0:00 0:06:05 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG