Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wacyigalin Gudniinka Fircooniga ah oo Muqdisho lagu Qabtey


Sahra iyo Ifraah
Sahra iyo Ifraah

Kadib markii toddobaadki hore gabar yar oo toban sano jir ah aheyd oo lagu magacabi jirey Deeqo Daahir ay ugu geeriyootey isbitaalka magaalada Dhuusa-mareeb dhiigbax ka dhashey gudniinka fircooniga noociisa ugu xun oo lagu sameeyey.

Sida oo kalena, dhowr bilood ka hor gabar yar oo ayadana ugu dhimatey mid kamid ah isbitaalada Muqdisho caabuq ka dhashey gudniinka fircooniga ah, ayaa magaalda Muqdisho waxaa shaley lagu qabtey shir looga hadley wacyigalinta waalidka ee gudniinka noaacaas ah.

Ifrah Ahmed oo soo qabanqabisey kulankaasi ahna gabar u ololeyso ciribtirka Gudniinka Fircooniga ayaa Sahra Cabdi Axmed uga warantey waxyeelada gudniinka iyo inta gabdhood ee u dhimatey sanadkan?

Gudniinka Fircooniga ah
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:17 0:00

XS
SM
MD
LG