Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Kalluumeysato lagu la'yahay badda


Qandala
Qandala

Mas’uuliyiinta gobolka Gardafuu ee maamulka Puntland ayaa sheegay in ay badda ku dhex dhinteen Lix nin oo kalluumaysato ahaa.

Maydka mid ka mid ah Lixdaa nin oo ay baddu soo tuftay ayaa la helay shalay Axaddii, Shantii nin ee kale iyo Laashkii ay wateenna waxa la sheegay in ay wali badda ku dhex jiraan.

Sahra Ciidle Nuur ayaa oo xalay khadka telephone ka kula xidhiidhay Guure Cali Cumar oo ah gudoomiyaha degmada “Gunbux” oo hoos timaadda gobolka Gardafuu ee maamul goboleedka Puntland. Waxaanu ka waramay sidii ay wax u dhaceen iyo tirada dhimashada.

Puntland: Kalluumeysato lagu la'yahay badda
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:04 0:00

XS
SM
MD
LG