Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ethiopia oo loogu Baaqay Xallinta Colaadda Oromada iyo Soomaalida


Cabdi Warsame oo ka tirsan golaha deegaanka Minneapolis

Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu 30ka bishan July booqasho ku yimaaddo magaalada Minneapolis.

Booqashada Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay jirto xiisad colaadeed oo u dhaxaysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada.

Gobolka Minnesota ee dalkan Maraykanka waxaa uu ka mid yahay meelaha ay ku noolyihiin Qurbbajoogta u badan ee labada qowmiyadood.

Qaraar ay soo saareen Golaha Deegaanka ee Magaalda Minneapolis, uuna ku saxiixnaa Duqa magaalada Jacob Frey, ayaa waxa uu ugu baaqay dowladda Ethiopia ee uu hogaamiyo Dr. Abiy Axmed inay joojiso colaadda u dhaxaysaa qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee wadanka Ethiopia, sidoo kalena ay ilaaliso amniga, hantida iyo xuquuqda aadanaha ee bulshooyinka labada qowmiyadood oo dhawaanahaan ay dagaallo ku dhexmarayeen deegaanno ka tirsan wadanka Ethiopia.

Cabdi Warsame oo ah xubin ka tirsan Golaha Deegaanka ee magaalada Minneapolis oo isagu qaraarkan horkeenay Golaha, ayaa u waramay Wariyaha VOA ee Minneapolis Maxamuud Mascadde.

Ethiopia oo loogu Baaqay Xallinta Colaadda Oramada iyo Soomaalida
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:21 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG