Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka: Soomaali loo kordhiyey sharciga TPS


Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka ee Homeland Security ayaa u ogolaatey ku dhowaad 500 oo Soomaali ah in loo cusbooneesiiyo sharciga TPS-ka loo yaqaanno, oo ah sharci KMG oo badbaado siinaya qaxootiga Mareykanka ku nool ee aanan haysan sharciga degenaanshaha.

Go’aankan ayaa waxaa soo dhoweeyey hay'adaha u dooda xuquuqda qaxootiga iyo sharci-dejiyaasha Mareykanka ee wadey ololaha ah in dadka dib loogu cusbooneysiiyo sharciga

Tallaabadan ayaa u saamaxeysa boqollaalkan ruux inay sharci ku joogaan kagana shaqeystaan dalkan Mareykanka.

Shantan boqol ee Soomaalida ah ayaa horey ugu joogay waddankan isla sharcigan TPS-ka, oo ah sharci joogitaan ku-meel gaar siinaya qaxootiga Soomaaliyeed ee aanan sabab amni awgeed dalka Soomaaliya dib loogu celin karin.

Muddo badan ayaa laga cabsi qabay in maamulka Trump uu dib ugu cusbooneysiin waayo sharciga, taasi oo horseedi laheyd in Mareykanka laga masaafuriyo.

XS
SM
MD
LG