Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo afduubatay odoyaal


Shabaab

Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay afduubeen laba ka mid ah odayaasha tuulooyin u dhow magaalada Luuq ee gobolka.

Odayaashan la afduubay ayaa wararku sheegayaan inay ka tirsanaayeen tuulooyinka Cadaley iyo Shaatulow.

Afduubkan ayaa wararka aanu ka helnay dhinaca amniga sheegayaan in habeen hore uu ka dhacay tuulooyinkaasi, ilaa haatanna ma cadda sababta ay u afduubteen Al-Shabab iyo halka ay ku hayaan.

Laba qof oo kale oo dhallinyaro ah oo raggaasi lala afduubay ayaa la sheegayaa in la sii daayey.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG