Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cameroon: Madaxweyne Biya oo mar kale isharaxay


Paul Biya

Madaxweynaha muddada dheer soo xakumayay dalka Cameroon, Paul Biya, ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada madaxtinimada ee sannadkaan ka dhici doona dalkaasi.

Biya, oo ah 85 jir ayaa Jimcihi maanta ku shaaciyay bogga uu ku leeyahay barta Twitter-ka inuu yahay musharax ka mid ah tartamayaasha u ordaya doorashada la qorsheeyay in bisha October ay ka dhacdo dalkaasi.

Sababta uu u rabo in uu u tartamo doorashadani ayuu ku sheegay inuu doonayo inuu xaqiiyo isku-duubnimada, xasilloonida iyo barwaaqada Cameroon.

Paul Biya ayaa madaxweyne ka ahaa dalka Cameroon tan iyo sannadki 1982. Waa hogaamiyaha labaad ee ugu muddada dheer madaxda hadda maamusha dalala Africa. Waxaa ka waqti dheer kaliyah madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Teodoro Obiang.

Sannadki 2008, wuxuu ka saaray dastuurka qodob xadeynayay muddadda loo ogolyahay in madaxweynaha uu u tartami karo doorashada madaxtinimada, waxay taasi u ogolaatay inuu u ordo doorashadi 2011-ki oo uu isaga ku guuleystay.

Cameroon ayaa la tacaaleysa weeraro kaga imanaya kooxda Boko Haram oo fariisimo ku leh waqooyiga fog ee dalkaasi. Sidoo kale waxay dagaal kula jirtaa jabhado gooni-u-goosad ah oo ka jira gobollada looga hadlo luqadda Ingiriiska.

XS
SM
MD
LG