Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NATO oo kulmeysa kadib weerarkii Trump


Hogaamiyayaasha dalalka xubnaha ka ah gaashaanbuurta NATO ayaa maalintii labaad, ahna maalinkii ugu dambeeyay ku kulmaya magaalada Brussels ee xarunta dalkaas.

Madaxdan ayaa kasoo kabanaya maalin uu madaxweynaha Mareykanka Donald Trump hadallo kulul ku weeraray isbaheysigan iyo dalka Jarmalka oo ah dalka ugu qanisan Yurub ee xubinta ka ah xulufada.

Hogaamiyayaasha NATO ayaa rajaynaya in maanta ay ka gudbaan dalabyada Trump ee ah inay sare u qaadaan qarashka ay ku bixiyaan gaashaandhiga, waxayna diiradda saari doonaan dagaalka muddada dheer ka socda Afghanistan.

Madaxa NATO Jens Stoltenberg ayaa doonaya in madaxda ay isku raacaan in ciidamada ammaanka Afghanistan la maal-geliyo illaa sanadda 2024, inkasta oo ay jirto in shacabka dalalka NATO ay ka daaleen ku lug lahaanshaha dalalkooda ee dagaalkaas.

XS
SM
MD
LG