Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faransiiska oo gaaray finalka Koobka Aduunka


Xulka France
Xulka France

Xulka kubadda cakta Faransiiska ayaa xalay gaaray ciyaarta kama danbeysta ah ee Koobka Aduunka kaddib markii 1-0 uga badiyeen jiilka dahabiga ee Belguim.

Goolka qurdha ee ay France ku gaartay finalka waxaa daqiiqadii 51-aad madaxa ku dhaliyay Samuel Umtiti oo difaaca ka ciyaara, kaasoo meel aanan ka fogeyn goolka Belgium ka helay kubad uu koonaha kasoo laaday ciyaaryahan Antoine Griezmann.

Waa marki ugu horreysay oo Faransiiska ay gaaraan finalka Koobka Aduunka tan iyo sannadki 2006-di. Dhalinyarada macallin Didier Deschamps ayaa wajahi doona mid ka mid ah xulalka England ama Croatia oo caawa foodda isku dari doona magaalada Moscow.

Haddii Faransiisku badiyaan waxay noqoneysaa marki labaad oo ay qaadayaan Koobka Aduunka. Marki ugu horreysay waxay aheyd sannadki 1998.

Ciyaartooyda Belgium oo loogu yeero jiilka dahabiga maadaama ay yihiin ciyaartoodi ugu wanaagsaneyd ee dalkani soo marta muddo 30 sano ah kadib, ayaa ku laabtanaya Belgium iyagoo gacmo maran.

Waa marki ugu horreysay oo ay ka ciyaaraan semi-finalka Koobka Aduunka tan iyo sannadki 1986-ki.


XS
SM
MD
LG