Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo dacwad ku soo oogtay gabar Turkish ah


Maxkamad milatari oo ku taalla Israel ayaa haweeney Turkish ah kusoo oogtay dacwad la xiriirta inay lacag siisay urur argagixiso.

Israel ayaa sheegtay in Ebru Ozkan lagu tuhmayo “inay halis gelisay ammaanka qaranka, ayna xiriir la leedahay urur argagixiso”.

Ma aysan shaacin ururka lala xiriirinayo haweeneydan, balse wargeysyada Israel ayaa qoray inuu yahay ururka Xamas.

Qareenkeeda ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay in Ebru aan wax qareen ah loo ogolaan intii ay xabsiga ku jirtay, islamarkaana booliska aysan ku wareysan luuqaddeeda, taasi oo jahwareer gelisay.

Wakiilada Israel ayaa Ebru waxay ku xireen garoonka diyaaradaha Tel Aviv 11-kii June, ayada oo dooneysay inay dib ugu duusho dalkeeda.

Kiiskan ayaa mudgi gelinaya xiriirka saaxiibtinimada ee muddada dheer ay lahaayeen Turkey iyo Israel.

XS
SM
MD
LG