Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra’iisul wasaarihii hore ee Malaysia oo la xiray


Najib Razak
Najib Razak

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Malaysia Najib Razak, ayaa maanta la xiray ayada oo lala xiriirinayo fadeexad musuq-maasuq oo balaayin dollar ah.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Najib ay maanta gurigiisa ku xireen wakiilada guddiga ka hor-taga musuq-maasuqa dalka Malaysia.

Xarigiisa ayaa waxa uu xiriir la leeyahay lacag lagala baxay hay’adda horumarinta dhaqaalaha dalkaas ee 1MDB.

Ra’iisul wasaaraha hore ayaa waxaa la filayaa in si rasmi ah dacwad loogu soo oogo maalinta arbacada.

Waaxda cadaaladda Mareykanka ayaa horey u sheegtay in 4.5 bilyan oo dollar laga xaday hay’adda 1MDB, ayada oo qeyb ka mid ah lacagtaas ay ku dhacday sanduuqyada lacageed ee Najib.

Fadeexaddan ayaa sidoo kale hogaamisay in isbaheysiga Najib ay lumiyaan doorashadii dalkaas ka dhacday bishii May, taasi oo ahayd markii ugu horeysay oo xisbigiisa laga adkaado tan iyo xoriyaddii dalkaas ee 1957-kii.

Najiib waa uu beeniyey eedeymaha loo jeediyey.

XS
SM
MD
LG