Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland oo xayiraad saartay baraha bulshada


Xukuumadda Somaliland ayaa muddo afar maalmood ah oo ku eg khamiista soo socota waxay muddo kooban maalintii xayiraad ku soo rogtay adeegsiga baraha bulshadu ku xidhiidho.

Arrintan ayaa ujeedkeedu yahay in looga hortego bay yidhaahdeen in ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ee imtixaannadu u socdaan ay isugu gudbiyaan jawaabaha imtixaanka.

Xayiraaddan ayaa maalmahaas gelinka hore ku eg. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa arrimahaas ka waraystay guddoomiyaha guddida sare ee imtixaanaadka Somaliland Daa'uud Axmed Faarax.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:16 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG