Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wafti ka socda Eritrea oo tagey Ethiopia


Eritrea delegation

Wafti heer sare oo ka socda Eritrea ayaa ku sugan dalka ay deriska yihiin ee Ethiopia, halkaasi oo ay ku geli doonaan wada-hadallo taariikhi ah, oo soo afjari kara mid ka mid ah dagaalladii ugu dheeraa ee qaaradda Afrika.

Waftiga Eritrea ayaa maanta gaaray magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa.

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa toddobaadkii tagey ballanqaaday inuu wafti u dirayo Ethiopia.

Ballanqaadka Afwerki ayaa jawaab u ahaa mid hore oo uu sameeyey ra’iisul wasaaraha isbeddel doonka ah ee Ethiopia Abiy Ahmed, kaasi oo sharfaya heshiiskii ay labada dal kala saxiixdeen sanaddii 2000 ee lagu soo geba gebeynayey dagaal xudduuda ka socday laba sano.

Ethiopia ayaa muddo diidaneyd inay aqbasho qodobada heshiiskaas, oo ay ku jirtay inay ka baxdo magaalada xuduudda ku taal ee Badme.

Eritrea oo horey u ahayd gobol ka tirsan Ethiopia, ayaa go’day sanadii 1993-kii.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG