Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga oo Lagday Masar iyo Urugauay oo Jajabsatay Russia


Le Saoudien Dawsari lors du match contre l'Egypte en Russie, le 25 juin 2018.
Le Saoudien Dawsari lors du match contre l'Egypte en Russie, le 25 juin 2018.

Xulka Sacuudiga ayaa soo xareeyay guushiisi ugu horreysay Koobka Aduunka ee 2018-ka, kadib marki ay maanta 2-1 ku garaacay Masar.

Masar oo rabtay in ay guushi ugu horreysay abid kasoo hooyaan ciyaaraha aduunka, ayaa goolka la hormartay daqiiqadii 22-aad ee ciyaarta, waxaana goolkaasi saxiixayMohamed Salah.

Masar sidoo kale waxaa maanta u safnaa goolhayaha waaya araga ahEssam El-Hadary kaasoo noqday ciyaaryahanki ugu da,da weynaa ee safta Koobka Aduunka abid, wuxuu jiraa 45 sano.

El-Hadary wuxuu rigoore ka qabtay laacibka afka hore uga ciyaara Sacuudiga Fahad Al-Muwallad, laakin Sacuudiga waxaa mar kale lagu abaalmariyay rigoore kale, waxaana markakani saxiixay ciyaaryayan Salman Al-Faraj, goolka guushana waxaa Sacuudiga u dhaliyay daqiiqadii ugu danbeysay ee ciyaarta Salem Al-Dawsar.

Guushaasi ayaa uga dhigan Sacuudiga inuu ku dhameystay kaalinta sadexaad ee Group A, halka kaalinta ugu hooseysa uu kusoo xiray ciyaaraha aduunka ee sanadkaan xulka Masar.

Ciyaar kale oo xiisa badneyd ayaa waxay garoonka Samara Arena ee magaalada Samara ku dhexmartay xulka martida loo yahay ee Russia iyo xulka kale ee Uruguay. Waxaana 3-0 ay guushu ku raacday xulka Uruguay.

Goolka hore waxaa daah-furay laacibka reer Uruguay Luiz Suarez, kan labaad wuxuu ahaa gool uu kooxdiisa ka dhaliyay Denis Cheryshev, halka goolka sadexaad uu kusoo khatimay ciyaaryahan Cavani.

Uruguay, oo aanan ilaa iyo iminka wax goolal ah laga dhalin tan iyo marki uu biloowday tantankan ayaa hadda waxay kusoo baxeysaa kaalinta koowaad ee Group A, halka Russia ay kusoo baxday booska labaad.

Haatanna, waxaa socota laba ciyaar oo xiisa leh, waxay u kala dhaxeysaa Portugal v Isran iyo Spain v Morocco.

XS
SM
MD
LG