Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falastiiniyiinta oo u jawaabay Jared Kushner


Jared Kushner

Falastiiniyiinta ayaa ka jawaabay hadal kasoo yeeray Jared Kushner, oo la-taliye sare u ah, islamarkaana soddog uu u yahay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Kushner ayaa su’aal ka kenay hadidi hoggaamiyaha Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas ay ka go’an tahay inuu nabad la gaaro Israel, intii lagu guda jiray wareysi uu siiyey wargeyska al-Quds.

Saeb Erekat oo ah madax wada-xaajoodyada Falastiin ayaa sheegay in madaxweyne Abbas uusan aqbali doonin inay casharada u meeriyaan maamulka Mareykanka, islamarkaana uusan ahayn kaligiis balse ay la qabaan dadka Falastiin oo idil.

Kushner oo booqasho ku maraya gobolka ayaa mamaulka Falastiiniyiinta ay ku gacan seereen inay la kulmaan, hase yeeshee wuxuu tagey Israel, Jordan, Qatar, Sacuudiga iyo Masar.

Falastiiniyiinta ayaa bariga Jerusalem u arka caasimadooda mustabalka waxayna sheegeen inaysan aqbali doonin heshiis aan sidaas dhigeyn. Maamulka Trump ayaa horey Jerusalem ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG