Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xhaka iyo Shaqiri oo Ganaax Wajahaya


Xherdan Shaqiri celebrating after scoring the 2nd Swiss goal
Xherdan Shaqiri celebrating after scoring the 2nd Swiss goal

Xirirka kubadda cakta FIFA ee maamulaya ciyaaraha Koobka Aduunka ayaa bilaabay baaritaan dhinaca anshaxa ah oo ka dhan ah laba laacib oo u ciyaara xulka Switzerland kuwaas oo kala ah Granit Xhaka iyo Xherdan Shaqiri.

Labadan laacib ayaa waxaa loo heystaa farriimo siyaasadeed oo ay ka dhexdireen inti ay u dabaaldagayeen goolal ay ka kala dhaliyeen xulka Serbiya ciyaarti adkeyd ee dhexmartay Jimcihii Switzerladn iyo Serbia, taasoo ay 2-1 guushu ku raacday Switzerland.

Xhaka iyo Shaqiri ayaa asal ahaan kasoo jeeda qowmiyada Albeeniyiinta Albenia iyo Albeeniyiinta Kosovo oo hadda ah dal xor ah balse horay uga tirsanaan jiray Serbia. Waxaa sidoo kale Serbiyiinta iyo Albeeniyiinta dhexmartay colaad sababay dhimashada boqolaal kun oo ruux oo Muslimiinta Albeeniyaanka Serbiya ahaa kuwaas oo lagu xasuuqay dagaalo sokeeye oo dhacay bilowgii sagaashanaadki.

Laacibiintan oo hadda heysta dhalashada Switzerland ayaa marki ay goolasha ka kala dhaliyeen Serbiya ku dabaaldagay iyaga oo is dhaafiyay suulasha gacmaha isla markaana gacmahooda ku sawiraya calaamada gorgorka labada madax ee is-dhaafsan leh ee ku dhexsawiran calanka Albenia.

FIfa ayaa baareysa hadda waxaana laga yaabaa in ay muteysataan in laga ganaaxa ciyaarahan hadda socda laba kulan.

XS
SM
MD
LG