Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Spain oo dirqi uga badisay Iran


Mid ka mid ah kulannadi ugu xiisaha badnaa todobaadkaan ciyaaraha Koobka Aduunka ayaa waxa uu xalay dhexmaray xulalka Spain iyo Iran oo ka wada tirsan Group B.

Ciyaartan oo ka dhacday magaalada Kazan ee Koofurgalbeed Russia ay ciyaartooyda xulka Iran kusoo bandhigeen ciyaar wadna-xanuun ku ridday xulka Spain kadid marki ay Iraaniyiintu dheeleen ciyaar difaac iyo weerar rogaal celis aheyd.

Hase yeeshee guushu waxay 1-0 ku raacday Spain, waxaana goolka guusha u dhaliyay Diego Costa oo weerarka ka ciyaara.

Qaar ka mid ah wargeysyada kasoo baxa dalka Spain ayaa saakay bogooda hore kaga hadlay ciyaarti Spain iyo Iran.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa kulanki ka dhacay magaalada Kazan ku tilmaamay “Ciyaar wadnaqabad aheyd” wargeyska Marca ayaa isna bogiisa hore ku daabacay “Waanu dhibtoonnay laakin waanu jebinnay derbiga”.

Jariirada AS ayaa ku magacowday xulka Spain “Hogaamiyaasha kubadda kuceliska” halka wargeyska Sport uu u mahadceliyay jiritaanka tiknoolojiyada loogu magac-daray VAR ee saacido garsoorayaasha kaasoo Iran ka diiday gool ay dhaliyeen. “Wargeyska wuxuu yiri muddo badan sii nooloow VAR!”

Iran ayaa rajadeedu ku xiranaan doontaa guul ay ka gaarto kulanka ay la ciyaari doonto Portugal iyo natiijada ciyaarta Spain iyo Morocco.

XS
SM
MD
LG