Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhulka Soomaalida oo si weyn looga ciidey


Dalalka Islaamka, ayaa maanta la xusay dabbaaldegga ciidul-fitriga, kadib markii ay Muslimiintu soo dhammeysteen waajibaadka soonka ee bisha Ramadaan.

Magaalooyinka Soomaalida ee Geeska Afrika ayaa waxaa si wadajir ah oo nabad ah looga ciidey. Dhinaca Muqdisho, inkastoo ay waddooyinku qaarkood ay xiran yihiin, oo taasina ay saameysay isu-socodka dadka, haddana dadka Muqdisho si weyn ayay u xuseen munaasabadda ciidda. Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladdiisu dadaal ugu jirto inay ka adkaato kooxaha argagixisada. Seynab Abuukar ayaa warbixintan ka soo dirtay Muqdisho.

Muqdisho oo laga ciidey
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:07 0:00

Sidoo kale, Somaliland, ayaa si weyn looga ciiday maanta. Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi oo xuska ciida hadal uu jeediyay ayaa isna sheegay in Somaliland ay diyaar u tahay inay wadahadal ku dhammeyso khilaafka kala dhaxeeya deriskeeda. Sagal Muuse ayaa warbixintan ka soo dirtay Hargeysa.

Hargeysa oo laga ciidey
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:51 0:00

Deeggaanada gobollada Sh/Hoose, Bay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed, waxaa iyagana maanta looga dabbaaldegay xuska maalinta Ciida. Dadka ku nool dhulka ay ka taliso kooxda al-Shabaab ee gobolladaasi ayaa dhinacooda iyaguna ciiday oo si nabad-gelyo u dammaashaaday. Warbixintan waxaa Baydhabo ka soo diray Mukhtar Maxamed Catoosh.

Baydhabo oo laga ciidey
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:30 0:00

Meellaha maanta xuska ciidda laga dhigay waxaa ka mid ah magaalada Garissa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasi oo hoggaamiayaasha bulshada iyo dadka rayidku ay si wadajir ah ciidda ugu dabbaal degeen. Maxamed Faarax Shire ayaa warbixintan Garissa ka soo diray.

Gaarisa oo laga ciidey
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:24 0:00

XS
SM
MD
LG