Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Uruguay oo ka Adkaatay Masar


Xulka dalka Uruguay ayaa guul muhiim ah ka gaarey ciyaartii kowaad ee ay la dheeleen xulka dalka Masar, kulan ka tirsanaa koobka adduunka.

Ciyaaryahan Jose Gimenez ayaa daqiiqaddii 88-aad gool madax ah daba dhaafiyay gool wadaha kooxda dalka Masar.

Labada kooxood ayaa qeyb ka ah groupka B. Xulka dalka Ruushka, ayaa isna shalay ka adkaaday xulka dalka Sacuudiga oo uu diray 5 gool iyo waxba. Ruushka iyo Uruguay ayaa hadda iska leh min seddex dhibcood.

XS
SM
MD
LG