Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yaa Badin Doona Masar iyo Uruguay?


Misri Mohamed Salah

Waxaa goordhaw lagu wadaa in ay billaabo ciyaarti dhexmari doonta xulalka kubadda cakta Masar iyo Uruguay, taasoo ka tirsan ciyaaraha Koobka Aduunka, ee shalay ka billowday dalka Russia.

Labadan xul oo ka wada tirsan Group A ayaa ka mid ah kuwa loo saadaalinayo in ay kasoo baxaan Group-kan, inkastoo ay wax walbaa dhici karaan.

Ciyaarta galabta ayaa xulka Masar waxaa laga yaabaa inuu u safto xidigooda Mohamed Salah oo lagu soo billaabi doono kursiga keydka.

Salah ayaanan garoonnada ka maqnaa tan iyo 26-ki bishii May markaas oo uu garabka uga jabay ciyaarti finalka koobka Yurub ee dhexmartay kooxdiisa Liverpool iyo kooxda Real Madrid.

Tababaraha kooxda qaranka Masar Hector Cuper ayaa shalay warbaahinta u sheegay in boqolkiiba boqol uu hubo in Salah uu dheeli doono kulanka maanta.

Dhinaca Uruguay, taageerayaasah waxay ku tashanayaan gooldhaliyaha khatarta ah ee kooxda Barcelona Luiz Suarez, iyagana ayaana loo saadaalinayaa in ay badin doonaan.

Labadan xul waligood hal jeer ayay kulmeen, waxaana markaasi 2-0 ku badiyay Uruguay sannadki 2006. Ciyaartaas oo ka dhacday dalka Masar ayaa aheyd ciyaar saaxibtinimo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG