Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Duqeyn Ku Dilay Mullah Fazlullah


Mullah Fazlullah

Saraakiil ka tirsan milatariga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka sameeyeen gobolka Kunar ee dalka Afganstan ay ku dileen hogaamiyihii Taalibaanka Pakistan.

Sarkaal Mareykan ah oo ay qariyay magaciisa ayaa VOA-da u sheegay in weerar ay habeenki Arbacada diyaaradaha drone-ka Mareykanka ka fuliyeen gobolka ku yaalla xuduudka bari ee Afghanstan bartilmaameedkiisu ahaa Mullah Fazlullah, oo ah hogaamiyaha baxsadka ee kooxda la mamnuucay ee Tehrik-e-Taliban Pakistan.

Mullah Fazlullah, ayaa marki la weerarayay wuxuu kasii baxayay xarun milatari oo lagu magacaabo Bachai Markaz, waxyar ka hor intii aanu la gaarin saqdi dhexe, kadib marki uu ka qeybgalay casho sharaf loo sameeyay isaga iyo hogaamiyaal kale oo ka tirsan Taalibaanka Pakistan.

Weerarkaasi ayaa waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay ku dhinteen shan sarkaal oo ka tirsan kooxda Talibanka Pakistan.

Ilo wareedyo dhinaca sirdoonka ah oo ku sugan Pakistan ayaa VOA-da u xaqiijiyay maanta in weerarka loo adeegsaday daroonka uu ka dhacay degmada buuraleyda ah ee Marawara oo ah degmo isku xiriirisa gobolka Kunar ee Afghanstan iyo dalka Pakistan.

Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Taliban oo ay ku xaqiijinayaan ama ku beeninayaan warka sheegaya in la dilay Mullah Fazlullah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG