Ugu yaraan Labo ka mid ah ciidamada Maamulka Koonfur-Galbeed Somalia ayaa dhintey Labo kalana waa ku dhawacmeen markii saldhig ay ku leeyhiin degmada Qansax Dheere ay soo weerareen Ururka Al-Shabaab xalay.
Waayadan dambe ayaa Al-Shabab dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay ka wadeen gobolka.
Dhinaca kale, askari ka tirsan Ciidamada Puntland ayaa xalay saqdii dhexe Dablay hubaysani toogasho ku dileen xili uu marayey meel u dhaw Suuqa wayn ee magaalada Boosaaso.
Gobjooge ayaa VOA u sheegay in cìidama amaanka ayaa goobta askariga lagu dilay soo gaareen xili ay baxsadeen dablaydii weerka gaysatay.
Maamulka Puntland ayaan weli ka hadlin dilka askarigaas mana jirto cid sheegatay mas'uuliyada weerarkaas.
Facebook Forum