Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Q.M. oo Sheegtay in Deganaanshiyaha Soomaaliya ay Muhiim Tahay


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in midnimada iyo nabad waarta oo laga gaaro colaadda iyo degenaanshaha ay muhiim u yihiin Soomaaliya oo wajaheysa caqabado ka hortaagan helista dowlad federali ah oo si wanaagsan u shaqeysa.

Waxaa kaloo Qaramada Midoobay ay ku boorisay Somaliland iyo Puntland inay joojiyaan colaadda gobolka Sool, ciidamada ay kala qaadaan, oo ay wada hadal isugu yimaadaan, iyo in dhammaan dhinacyada ay ogolaadaan galaangalka gargaarka bani'aadannimo.

Warbixin ku saabsan warqoraal ah oo ka soo baxay madaxa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay shalay, iyo booqasho ay Muqdisho ku tagtay kaaliyaha Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay ee dhinaca siyaasadda, Rosemary DiCarlo, waxaa inoo haya Maxamed Colaad Xassan.

QM oo sheegtay in xasiloonida Soomaaliya ay muhiim tahay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:43 0:00

XS
SM
MD
LG