Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golden State Warriors oo Qarka u Saaran Hanashada Koobka NBA-da


Naadiga kubadda koleyga ee Golden State Warriors ayaa qarka u saaran inay hanato koobka NBA-da Mareykanka mar kale, kadib markii guusheedii 3-aad ee is xiga ay ka gaartay ciyaaraha finalaha koobkan kooxda Cleveland Cavaliers.

Ciyaartan oo ka dhacday guriga kooxda Cleveland Cavaliers habeenkii Arbacada, ayaa halyeyga kooxdaasi LeBron James waxau u aheyd habeen xun.

Waxa kooxda Warriors ay 110-102 kaga adkaatay kooxda Cavaliers. Ciyaartoyga ka muuqday kulankaasi waxa uu ahaa Kevin Durant oo dhaliyay 43 dhibcood.

Steph Curry oo ka mid ah ciyaartoyada ay ku duusho Warriors-ka ayaan u muuqan sidii uu ahaa kulankii kan ka horeeyay, balse kooxdiisa ayaa haddii ay badiso kulanka kale ee soo socda waxay noqon doontaa horyaalka kubadda koleyga mar kale.

Ciyaaryahan finalaha NBA-da ayaa la dheelaa illaa iyo 7 kulan oo is xig xiga, iyadoo kooxdii ugu guulasha badnaatana ay koobka hananeyso.

XS
SM
MD
LG