Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guatemala: Folkaano qarax cusub sameysay


Foolkaanaha Fuego ayaa mar kale ka qarxay buuraleyda dalka Guatemala, kaasoo shaqaalaha gurmadka iyo dad kalaba ku khasbay in ay goobta isaga cararaan.

Hey’adda Masiibooyinka Qaranka ee dalkaasi ayaa amartay in laga daadgureeyo dadka dagan meelaha u dhaw dhaw halka ay foolkaanadu ka ololeyso.

Qaraxa cusub ee foolkanaha ayaa yimid xilli dadka ku nool meelaha u dhaw foolkaana aysan helin wax digniin ah taasoo keentay argagax iyo kala carar.

Talaadadi shalay, Dowlada Guatemala ayaa bilowday aaska qaar ka mid ah 72 ruux oo ku dhintay foolkaanadi koowaad, kadib marki la aqoonsaday heybtooda.

Shaqaalaha gurmadka ayaa wali sii wada howlaha samatabixinta, waxaana sii kordhaya tirada dhimashada dadka ku dhintay foolkaanadan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG