Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi oo isku soo dhawaanaya


Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa maanta sheegay in wadahadallada u dhaxeeya Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya ay ku socdaan dariiq sax ah.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli saacadaha soo socda uu mas’uul sare oo ka tirsan dowladda Kuuriyada Waqooyi uu kusoo wajahanyahay magaalada Washington.

Safiirka Dowlada Mareykanka u fadhiya dalka Filibiin, Sung Kim, sidoo kalana ah diblamaasi khabiir ku ah arrimaha Kuuriyada Waqooyi, ayaa u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Koofureed Kang Kyung-hwa, in wadahadalka xukuumadaha Washington iyi Pyongyang ay u socdaan si habsami leh.

Wuxuu sheegay in kulamo New York ku dhexmaray xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Pompeo iyo Ergayga sare ee ka socda Kuuriyada Waqooyi Kim Yong Chol ay ahaayeen kuwo miro dhal ah.

Kulan la qorsheeyay inuu maanta Aqalka Cad ku dhexmaro madaxweyne Donald Trump iyo Kim Yong Chol, oo ah gacanta midig ee hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ah ayaa aad indhaha loogu hayaa.

Kim Yong Chol, ayaa u gacan gelin doono madaxweyne Trump warqad dhambaal uu uga wado madaxweyne Kim Jong-un. Labada hogaamiye ayaa isku dayaya in ay yeeshaan kulan muhiim ah oo aad loo wada sugayo.

Kulanka Trump iyo Kim ayaa la qorsheeyay inuu 12-ka bishaan ka dhaco dalka Singapore. Mareykanka ayaa ku cadaadinaya Pyongyang in ay burburiso hubkeeda niyukleerka, inaskta oo uu Trump Khamiistii shalay sheegay in taasi ay u baahnaan doonto kulanno kala duwan oo toos ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG