Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Assad oo wada-hadal diyaar u ah


Bashar al-Assad
Bashar al-Assad

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa sheegay in dowladiisu ay diyaar u tahay in ay wadahadallo la furto Xoogaga Dimoqraadiga Suuriya ee uu Mareykanka taageero, balse ay xoog kula wareegi doonaan dhulka ay kooxdaasi maamusho haddii ay guuldarreystaan wadahadalladaasi.

Wareysi uu siiyay TV-ga caalamiga ah ee taageera dowlada Ruushka ee Russia Today, ayuu Assad ku sheegay in dhibaatada kaliya ee ku hartay Suuriya hadda ay tahay Isbaheysiga Carabta iyo Kurdiyiinta ee maamula qeybo ka mid ah waqooyiga iyo Bariga Suuriya.

Wuxuu cambaareeyay Dowlada Mareykanka, isaga oo yiri “Dowlada Suuriya waxaa waajib ka saaran xoreynta dhulkeeda, Ameerikaankuna waa in ay baxaan.”

Ciidamada Mareykanka ayaa saldhig milatari ku leh dhinaca waqooyi-bari ee Suuriya, gaar ahaan deegaannada ay maamulaan Kurdiyiinta Suuriya, iyaga oo tababarro iyo taageeraba siiya maleeshiyaadka Kurdishka ah.

Waxaa kale oo ay halkaasi ka fuliyaan weeraro dhinaca cirka ah oo ay ku beegsadaan maleeshiyaadka xiririka la leh Daacish ee ka dagaallama Suuriya iyo Ciraq.

XS
SM
MD
LG