Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Qarax Dilay ugu Yaraan 8


Ugu yaraan sideed ka mid ah ciidamada Afghanstan ayaa dhintay tobaneeyo kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib marki uu qof naftii dile ah isku qarxiyay meel u dhaw xarun milatari oo ku taalla koofurta dalka Afghanistan.

Afhayeen u hadlay dowladda Afghnsatan ayaa sheegay in weerarka uu ka dhacay degmada Nad Ali ee gobolka Helmand aroornimadi hore ee Axada maanta ah.

Kooxda mintidiinta Taliban ayaa markiiba sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Afhayeen u hadlay kooxdania yaa sheegay in ay dileen in ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidamada amniga dowlada.

Gobolka Helmand ayaa ka mid ah gobollada ugu badan ee lagu beero nuucyo ka mid ah maadooyinka laga sameeyo daroogada. Waxaana intiisa badan maamula ama ka dagaallama kooxda Taliban.

XS
SM
MD
LG