Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal maanta dib uga billowday Tukaraq


Qariiradda gobolka Sool
Qariiradda gobolka Sool

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dagaalka oo saacado badan qaatay ayaa labada dhinacba ay xaqiijinayaan in khasaare uu dhaliyay inkastoo aysan tirada saxda ah faahfaahin karin.

Somaliland ayaa ku eedeysay Puntland inay dagaalkaasi soo qaaday, guulana ay ka gaartay.

Dhinaca kale, Puntland ayaa inayana dagaalka ku eedeeysay Somaliland, iyadoo sheegtay in ciidamadeedu ay guulo ka gaareen.

Wariyayaasha VOA-da Sagal Mustafe Xassan iyo Nuux Muuse Birjeeb ayaa warbixino dagaalka ku saabsan noo soo diray.

Dagaal maanta dib uga billowday Tukaraq
please wait

No media source currently available

0:00 0:08:06 0:00

XS
SM
MD
LG