Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Unai Emery oo loo magacaabay tababaraha Arsenal


Unai Emery

Unai Emery ayaa maanta loo magacaabay inuu noqdo tababaraha cusub ee kooxda kubadda cagta Arsenal, kadib tegitaankii macallin Arsene Wenger.

Madaxa fulinta kooxda Arsenal Ivan Gazidis ayaa sheegaya in Emery, oo ay si buuxda isugu raaceen guddiga kooxda, uu kaxeyn doono bogga cusub ee taariikhda Arsenal.

Emery oo 46 jir ah ayaa kusoo biiraya kooxda Gunners, isaga oo kasoo tagay naadiga PSG, oo uu kula guuleystay horyalaka dalka Faransiiska.

Macallinkan u dhashay dalka Spain, ayaa sidoo kale afar koob oo kale oo dalka Faransiiska lga cayaaro kula guuleystay naadiga ka dhisan caasimadda dalkaas.

Waxa uu sidoo kale horey ugu soo guuleystay saddex koob oo isku xiga oo ah koobka Europa League, intii uu ahaa macallinka naadiga Seville ee dalka Spain.

Waxa uu badallayaa Arsene Wenger oo naadiga Arsenal ka tagay kadib 22 sano oo uu macallin u ahaa.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG